Sawiro:-Baarlamaanka Galmudug oo Goordhow ansixiyay Golaha Wasiirada Maamulkaas

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,ayaa maanta xildhibaanada maamulkaas horgeeyay Golihiisa Wasiirada Cusub si ay u meel mariyaan.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne Xaaf,Gudoomiyaha barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo inta badan Golaha Wasiirada oo u badan Golihii hore ee uu ka tegay Cabdi Kariin Xuseen guuleed.

Waxaa kulanka ku sugnaa 57 Xildhibaan  52 ka mid ah ayaa ansixisay 5 waa ay diiday, mana jirin cid ka aamustay, waxaana guddoonka baarlamaanka Galmudug uu ku dhawaaqay in ay ansax yihiin Golaha wasiirada Galmudug.

Madaxweyne xaaf oo goobta ka hadlay ayaa isna u mahadceliyay Xildhibaanada Galmudug qaabka wanaagsan oo ay u ansixiyeen Golhiisa Wasiirada.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Hordhaca ah

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media