DEG DEG: Axmed Madoobe oo gaaray Magaalada Cadaado

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa goor dhaw ka degay Garoonka Diyaaraha Ee Magaalada Cadaado.

Axmed Madoobe oo imminka Warbaahinta kula hadlaya Garoonka Cadaado ayaa sheegay in uu Halkasi u tagay dib u heshiisiin uu doonayo inuu dhex dhigo Galmudug iyo Puntland.

Sido kale waxa uu shaaciyay in Magaalada Kismaayo lagu qaban doono shir kale oo lagu heshiisiin doono Ahlu Sunna iyo Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor