DEG DEG: Axmed Cali Xaashi oo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland

Axmed Cali Xaashi oo kamid ahaa Seddex Musharax oo u tartameysay Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ku guuleystay Doorashadii Maanta isaga oo helay 41 cod.

Axmed Cali Xaashi ayaa noqonaya Gudoomiyihii 5aad oo uu yeesho Golaha Baarlamaanka Puntland tan iyo markii la aas aasay Maamulkasi 1998kii.

Xilkan waxa dhawaan Iska casilay Saciid Xasan Shire oo ahaa Gudoomiyihii Baarlamaanka Maamulkasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor