DEG DEG: Sargaal Ka Tirsanaa Ciidanka Boliiska Oo Lagu Dilay Xamar Jajab

Kooxo Ku hubeysanaa bastoolado ayaa goor dhaweyd Degmadda Xamar jajab ku toogtay Askari ka tirsanaa Ciidamadda boliiska soomaaliyeed islamarkaana la shaqeenayay police-ka INTER POL Sida uu Radio Dalsan u Xaqiijiyay Gudoomiyaha degmadda Xamar jajab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in hadda uu baaritaan socdo balse Faahfaahinta oo  buuxda ay dib Ka bixin doonaan.

Dhinaca kale warar kale oo ay heshay Radio Dalsan ayaa sheegaya in Shaqsiga la dilay uu ka howlgali jiray Xarunta Madaxtooyadda.

Magaca Shaqsigaaasi la dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay Aweys Maxamed Diiriye.

Dilka ayaa ka dhacay Xafadda Ansolooti Agagaarka Buundada Koowaad Ee Degmadda Xamar Jajab.

Wixii Kusoo Kordha Halkaan Kala Soco:

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor