DEG DEG: AMISOM oo ka baxday Degmadda Qoryooley

Wararka ka imaanaya Degmadda Qoryooley Ee Gobolka Shabeeladda Hoose ayaa sheegaya in Ciidamadda AMISOM ay isaga soo baxeen Fariisimihii ay ku lahayeen halkasi.

Lama ogga sababta rasmiga ee keentay in AMISOM ay faarujiso fariisimaheeda Qoryooley lkn waxa ay taasi ka dhigeysaa degmadii 4 aad oo ay isaga baxan AMISOM Muddo isbuuc ah tan iyo markii la weeraray jimcihii hore Deegaanka Leego.

AMISOM ayaa hore uga soo baxday fariisimo ay ku laheyd Leego,Tooratorow iyo deegaano kale.

Dowlada Soomaaliya weli kama aysan hadlin Arintani.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor