DEG DEG: Al Shabab oo weerartay kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya

Wararka ka imaanaya gobolka Waqooy Bari Kenya sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al Shabab weerar ku qaaden kolonyo ay la socden ciidamada Kenya oo marayay deegaanka Dimu oo 40 u jirta degmada Ceel Waaq ee xadka Soomaaliya iyo Kenya/

Weerarka oo gaadmo ahaa waxa lagu dilay 5 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya oo ku sii socday Mandheera.

Gudoomiyaha Mandheera Cali Rooba ayaa xaqiijiyay in ciidamada Kenya weerarka looga dilay ugu yaraan 5 sarkaal oo Booliska ka tirsan waxa uu sheegay inuu cambaareynayo weerarkasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor