Deg Deg; Al Shabab oo Qabsatay Doon Ay Saarnayeen Dad U Dashay Iran

Dad Goob joogayaal ah ayaa u xaqiijiyay Radio Dalsan in Kooxda Al Shabab ay Gacanta ku dhigtay Doon ku soo Caarisay Deegaanka Cigo Ee Duleedka Degmadda Ceel Dheer Ee Gobolka Galguduud.

Doontasi Waxa saarnaa Ugu yaraan 14 qof oo u dhashay Dalka Iran waxana goobta lagu qabtay Gaaray Gudoomiyeyaasha Al Shabab ugu Magacaaban Degmooyinka Galcad iyo Ceel Dheer.

Weli Wax War ah kama uusan Soo bixin Al Shabab iyo Dowladda Iran.