DEG DEG: Al Shabab oo la wareegtay Saldhiga AMISOM Ee Janaale

Dagaalamayaal ka tirsan Al Shabab ayaa Weerar xoogan kula wareegay Saldhiga Ciidamada Uganda AMISOM ee Degmada Janaale kadib Dagaal xoogan oo dhexmaray Al Shabab iyo AMISOM.

Weerarka ayaa ku bilawday Qaraxyo Ismiidaamin ahaa oo gawaari loo adeegsaday waxana Saldhiga gudaha u galay Al Shabab.

Al Shabab ayaa soo bandhigtay Meydadka dad ay ku sheegtay iney ka tirsan yihiin AMISOM.