Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Cali Fooldheere

Kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen deegaanka Cali fooldhere ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa deegankaas la wareegay dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay ciidamo badan oo ka tirsan Al Shabaab inay qabsadeen deegaankaan, ciidankana ay ka soo galeen dhawr jiho oo deegaanka ah.

Al Shabaab ayaa tagay Saldhigyadii ciidamada Amisom ay ka guureen, halkaasi oo la soo sheegaayo iminka inay ka wadaan baaritaan.

Ciidamada Al Shabaab ayaa wararka waxa ay sheegayaan in sidoo kale ay baarayaan xaafado ka mid ah deegaanka Cali Fooldheere, halkaasi oo la sheegay Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka inay daganaayeen.

Deegaanka Cali fooldheere ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeyey Ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media