DEG DEG:-Al-Shabaab oo la wareegay deegaan ka tirsan Shabeellaha dhexe

War goordhow naga soo gaaray degmad Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa wax ay sheegayaan in deegaano ka tirsan ay la wareegeen Al-Shabaab.

Dad Goobjoogayal ah ayaa Radio Dalsan waxa ay u sheegeen in Tuulada lagu Magacaabo Geed faqay oo Balcad u jirt 10km kaga beegan dhanka deegaanka Ceelashaa Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Geed faqay ayaa waxa ay sheegeen in tiro Al-Shabaab ah ay deegaanka soo galeen isla markaana ay Shacabka Khudbad u jeediyeen.

Weli dhnkooda kma hadlin Maamulka degmada Balcad la wareegitaanka Al-Shabaab ee deegaanka geed faqay,balse xiriir aan la sameynay kama jawabin taleefoonadeena.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media