DEG DEG: Al-Shabaab oo Caawa weeraray degmada Baardheere ee G/Gedo

 

Wararka aan ka heleyno degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in caawa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidanka dowaldda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmaas.

Weerarka ka dib ayaa waxaa halkaasi ka bilaawday dagaal u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Ciidanka dowladda Soomaliya kaas oo mudo socday waxana wararku sheegayaan in khasaaaro uu ka dhashay dagaalkaas.

Mid ka mid ah Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa Dalsan u sheegay in ay soo weerareen rag ka tirsan Al-Shaabab islamarkana ay iska difaaceen kana dileen ilaa 8 daagalyahan sida uu hadalka u dhigay.

Xaalada degmada Baardheere ayaa haatan ah mid kacsan iyada oo ay casbi soo wajahday dadka deegaanka qaarkood.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media