Deeq Lacageed oo ay soo dirtay Hay’adda Rory Peck Trust oo ay Dalladda SIMHA guddoonsiisay Weriye Mucaawiye Axmed

Guddoomiyaha Dalladda Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee Somalia (SIMHA), Md. Xasan Cali Geesey waxa uu maanta Xafiiskiisa Kaalmo Lacageed ku guddoonsiiyey Weriye Mucaawiye Axmed Muudeey, kaasi oo bishii February 27-dii ku dhaawacmay Deegaanka Lambar Konton ee Gobalka Sh/hoose.

Guddoomiye Geesey oo ka hadlay Munaasabadaasi ayaa sheegay inay Hay’adda Caalamiga ee Rory Peck Trustee uu Fadhigeeda Dhexe ku yaallo magaalladda London ee dalka Britain  u soo wakiisheen inuu Weriyaha dhawaacmay gaarsiiyo deeq lacageed oo dhan 1,360 Dollar, oo ay Hay’addu ugu talagashay inuu Weriyuhu ku maareeyo noloshiisa asaasiga.

Md. Geesey waxa uu tilmaamay inay Hay’adda Rory Peck Trust tahay Hay’ad Caalami oo taageero u fidsa Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee ku sugan dalalka Caalamka.

Weriye Mucaawiye Axmed Muudeey oo ka hadlay Munaasabadda lagu guddoonsiiyey Lacagtaasi ayaa uga mahad celiyey Madaxda Dalladda SIMHA sida xilkasnimadda leh ee ay ugu ololeeyaan sidii ay Hay’addaha Calaamka u taageeri lahaayeen Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ay waxyeelladdu soo gaartay.

Waxa kaloo uu u mahadceliyey Madaxda Hay’adda Caalamiga ee Rory Peck Trust ee u soo dirtay Kaalmadaasi Lacageed, wuxuuna xusay inay haatan xaalladiisu soo hagaagtay.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Dalladda Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee Somalia (SIMHA) dadaal u galaan sidii ay Hay’addaha Caalamiga taageero ugu fidin lahaayeen Suxufiyiinta ay waxyeelladu ka soo gaarto Xaalladdaha Khatarta ee ay ku hawl-galaan.

Waddanka Somalia waxa uu ka mid yahay dalalka sida xooggan loogu waxyeelleeyo Suxufiyiinta, iyadoo Kontameeyo uxufi lagu dilay dalka Somalia tan iyo sannadkii 1992-kii.

simha2 simha2_1

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor