DEGDEG: Sarkaal Ka Tirsanaa NISA oo Goor Dhow Lagu Dilay Muqdisho

Waxaa goor dhow degmada Shibis ee gobolka Banaadir lagu toogtay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Nabad sugida ee dowladda, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Xaaji Cali Cumar.

Goobjoogayaal ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey dilka oo waxyar ka hor ka dhacay degmada Shibis, waxaana la toogtay sarkaalka, xiili uu ku sugnaa gurigiisa oo uu dhismo ka socday.

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay inay toogteen, kadibna ay goobta isaga baxsadeen, ilaa iyo hadana majirto cid ka hadashay dilka sarkaalka.

La soco waxa soo kordho