DEG DEG: Hanti Dhowraha Cusub oo Goor Dhow Xilka La Wareegay

Waxaa goor dhow xilka hanti dhowraha qaranka si rasmi ah ula wareegay Cali Abuukar Axmed oo si KMG usii heyn doono xilkaasi, kaa soo dhawaan golaha wasiiradu ay umagacaabeen.

Cali Abuukar ayaa hore u ahaa ku xigeenka hanti dhowrihii hore ee qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale oo ay xilka qaadis ku sameeyeen golaha wasiirada Soomaaliaya.

Munaasabada uu xilka kula wareegay hanti dhowraha cusub waxaa joogay wasiirka cusub ee wasaarada cadaalada Abuukaate Xassan Xuseen, wasiirka maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo masuuliyiin kale, inkastoo uu madasha ka maqnaa hanti dhowrihii hore Dr. Nuur oo hore uga horyim,id xilka qadiistii golaha wasiirada.

Arrintaa ayaa u muuqata mid wali uu ka jiro muran iyo is jiid jiid, maadaama uusan goobta xil wareejit joogin hanti dhowrihii hore, kaasi oo ilaaladiisa loo heysto inay ka danbeeyeen dilka wasiirkii howlaha guud Cabaas Sheikh Cabduulaahi Siraaji oo dhawaan lagu toogtay meel ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media