David Beckham oo u jooga Jabuuti: Talaal naf badbaadin iyo K/cagta.

Ciyaaryahanka caan baxay ee David Beckham ayaa ku jira Socod uu isaga kala gudbayo Qaaradaha ee Dukumentariga BBC –da loogu magac daray Jacaylka  Ciyaarta.

Waxa uu Jabuuti kula kulmay carruur qaxooti oo dalalkooda hooyo uga soo qaxay colaado.

Ku-dhawaad 7% carruurta ku nool Jabuuti ma noolaadaan si ay u arkaan Sannadka Shanaad ee Maalinta Dhalashadooda sababo la xiriira cudduro iyo nafaqo la’aan.

David Beckham waxa uu la kulmay mid ka mid ah Qaxootiga oo lagu magacaabo Isaaq Cali oo 60-jir ah, kaasi oo Somalia ka soo qaxay sannadkii 1991-kii oo ay qarxeen Dagaalladdii Sokeeye.

Sannadkii 1991-kii waa sannadkii uu David Beckham noqdo Ciyaaryahan Xirfadle ah.

Isaaq Cali waxa uu ahaan jirey Ciyaaryahan K/cagta oo u ciyaari jirey Xulka Qaranka Somalia, wuxuuna tan  iyo markii uu yimid Xeradda Qaxootiga ee Cali Cadde waxa uu Isaaq Cali tababare u noqday  Dhallinyaro badan oo Ciyaartoy ah.

David Beckham waxa uu Isaaq Cali kula kulmay Xeradda Qaxootiga ee Cali Cadde, wuxuuna iswareysi kadib uu Beckham booqdo guriga Isaaq Cali, halkaasi oo uu ku baray Xaaskiisa iyo carruurtiisa.

David Beckham waxa uu dhabta ku qabtay gabar  yar oo uu dhalay Isaaq Cali oo lagu magacaabo Nafisa oo oo 15 bilood jirta.

Waxaa dhibicda goojadda Cuddurka Dabaysha ee Polio la siiyey ilmaha, iyadoo Ololahaasi qeyb ka ah Ololaha UNICEF ee carruurta Qaxootiga ku nool Xeryaha Jabuuti lagu siinayo Goojadda Polio.

Socdaalka Ciyaaryahanka  David Beckham ku jooga Jabuuti ayaa qeyb ka ah Ololaha Talaalka, oo caarruurta ka caawin kara inay ku koraan caafimaad iyo xoog.

Taageeradda  David Beckham ee 7 Fund  waxay UNICEF bixinaysaa Tallaal naf badbaadin u ah carruurta, gaar ahaan kuwa Qaxootiga ku ah Jabuuti, si looga hortago cudduradda Jadeecadda iyo Boolyada.

JABUUTI000

JABUUTI 4 JABUUTI 2 JABUUTI JABUUTI3 JABUUTI6 JABUUTI7

Waxaa Turjumay Axmed Xaaji Ugaaska

©Radio Dalsan

Xigasho:blogs.unicef.org.uk

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor