Dareewalo Somali-Maraykan ka cabanaya in lagula dhaqmo sida Muwaadiniinta Heerka Labaad.

Photo of bus driversGolaha Xiriirka Islaamka Maraykanka “The Council on American-Islamic Relations” ayaa sheegay inay buuxiyeen Dacwad ka dhan Shirkaddaha Basaska ee Monarch Bus Service and Minneapolis & Suburban Bus Company, oo iyada shaqada ka cayrisay 15 Dareewal Somali ah.

Madaxa Kooxda Dareewaladda ee shaqada laga eryey oo lagu magacaabo Maxamuud Qanyare ayaa sheegay in Dareewaladda Soomaalida ee Basaska kaxeeya aysan la mid ahayn Dareewalada kale ee cadadanka iyo madowga, isla markaana iyaga lagu amray inay kaxeeyaan Basas duug ah oo aan wax Qaboojiye iyo Kuleyliye ku xirnayn.

Waxa uu intaasi ku daray inay Basaskaasi khatar gelinayaan Ardayda Dugsiyadda ee aad qaadaan, maadaama aysan Basas lahayn Kuleyliye ama Heater.

“Annaga ma wadno Lo’, waxaan kaxaynaa Carruurta oo ah Madaxda Mustaqbalka ee dalkan quruxda badan” ayuu yiri Maxamuud Qanyare.

Waxa uu intaasi ku daray: “Ka Muwaadin ahaan, waxaan xaq u leenahay inaan cabasho ka muujino Shirkadda oo ku tumanayso Sharcuuda Marykanka” ayuu yiri Maxamuud Qanyare oo madax u ah Koox Dareewalayaal Somali iyo Orono la magac baxday “Dareewaladda Mujtamaca Mideysan “The United Community of Drivers.

Sidoo kale, Maxamed Cali oo ka mid ah Dareewalada shaqada laga eryey waxa uu ku eedeeyey Madaxda Shirkadda Basaska ee Monarch Bus Service and Minneapolis & Suburban Bus Company inay Dareewaladda Soomaalida u arkaan sidii Muwaadiniinta Heerka Labaad

Ugu dambeyn, Hadal-qoraal oo ka soo baxay Shirkadaha Basaska ee Monarch Bus Service and Minneapolis & Suburban Bus Company waxay Eedda Dareewaladda Somali-Maraykanka ku sheegeen kuwa been abuur ah.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor