Dareewalkii Usaama Bin Laadin oo ku booriyey Alshabaab inay sii wadaan Weerarkooda.

Sheikh Ibraahim Qowsi oo ka tirsan Hoggaamiyayaasha Taliska Alqaacidada Yemen ee AQAB oo farriintiisa soo dhigay Aaladda Isku-xirka Warbaahinta Bulshadda ee Telegram, waxa uu ku sheegay inay Alshabaab Hawlgalkooda ku sii daraan Hawlgalo kale, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sheikh Ibrahim Qowsi oo mar ahaan jirey Dareewalka iyo Ilaaliyihii Khaaska ee Hoggamiyaha Ururka Alqaacida, waxa uu ku booriyey Alshabaab inaysan u oggolaanin kuwa aan waxba aaminsanayn inay cagta soo dhigaan dhulka Islaamka iyo in laga qodo xabaalahooda, waa sida uu hadalka u yiri.

“Guusha waxaa lagu keenaa dhiig iyo rafaad kadib, balse laguma gaaro Ballamo iyo Rabitaan ka yimaada Saaqidiinta” ayuu yiri Sheekh Ibraahim Qowsi oo ay Kooxda Sirdoonka SITE soo turjuntay Farriinta uu ka soo diray dalka Yemen.

Sheekh Ibraahim Qowsi waxa uu ka mid ahaa Maxaabiista Kooxda Alqaacida ee lagu xiray Xabsiga Guwatanamo Bay, waxayna Milliteriga Pakistan soo qabteen bishii December ee sannadkii 2001-kii, kadib, markii uu ka soo laabtay Buuraha Tooro Booro ee dalka Afganistan.

Bishii July ee sannadkii 2012-kii  ayaa laga si idaayey Xabsiga Guatamo Bay, waxaana loo tarxiilay dalka Sudan, si halkaasi lagu hayo, balse waxa uu uga sii gudbay dalka Yemen.

Sheekh Ibraahim Qowsi waxa uu haatan ka mid yahay Hoggaamiyayaasha Sare ee Alqaacida Gacanka Carbeed ee ka dagaalanta dalka Yemen ee AQAB.

Ururka Alshabaab waxay Ururka Alqaacida ku biireen bishii Feberaayo 9-dii ee sannadkii  2012-kii, iyadoo uu Hoggaamiyihii hore ee Alshabaab, Axmed Cabdi Godane ku dhawaaqay inay ku biireen Ururka Alqaacida ee uu hoggaamiyo Dr. Ayman Aldawaahiri.

Xigasho: ABC NEWS

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor