Dareewal u shaqeyn jirey Wasaaradda Maaliyadda oo lagu dilay Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay barqanimadii maanta  rasaas ku fureen gaari ay la socdeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo marayey meel ku dhow Saldhigga Boliska ee Degmadda Wardhiigley.

Goobjoogayaal la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay Dareewalkii waday gaariga, kaasi oo  lagu magacaabi jirey Cabdi Dheere.

Qaar ka mid ah Ehelladda Marxuumkaasi ayaa xaqiijiyey geeridiisa, iyagoo sheegay inuu muddo 7 sanno Dareewal ka ahaa Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federalka.

©Radio Dalsan