Dareewal sarqaansan oo 14 qof gaari ku jiirsiiyey Koonfurta Hindiya.

 

Boliska dalkaasi ayaa sheegay in Dareewal sarwaaqsan uu xakamayn waayey gaarigii uu waday  oo si xawli ku socday uu jiirsiiyey Beeraley Dibadbax ka dhigaysay meel ka baxsan Saldhigga Boliska ee Degmadda Chittoor ee Gobalka Andhra Pradesh.

ugu yaraan 14-qof ayaa ku geeriyootay halka 17-kalena lagu dhaawacay shilkaasi, waxaana la sheegay inuu Dareewalkii baxsaday.

Dalka Hindiya waxa uu ka mid yahay dalalka ay ka dhacaan shilalka ugu xun ee Caalamka, iyadoo sannadkii ay in ka badan 150,000 oo qof ku naf waayaan shilalka ka dhaca dalkaasi.

Jimcihii la soo dhaafay, 44 qof ayaa ku geeriyootay bas kja dhacay waddo buuraley ah oo ku taalla Waqooyiga dalkaasi.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media