Fiidnimaddii xalay ayuu Garaigaasi ku qarxay Xarunta Shirkadda Nadaafadda eeEnvironmental Cleaning Company (ECCO) oo ku taalla meel ku dhow Isgoyska Ex Zoope ee magaalladda Muqdisho.
Hay’addaha Ammaanka ayaa la sheegay inay ku hawlan yihiin Baaritaanka waxa sababay Qaraxaasi iyo Tuhunada dhinacyada ka dambeeyey Qaraxaasi.
Ilo ku dhow Hodheeladda iyo Xarumaha DFS ee ku yaalla magaalladda Muqdisho ayaa sheegay inay ka argagaxeen markii la sheegay in mid ah Gaadiidka Shirkadda ECCO ee Qashinka ka qaada Xarumaha muhiimka uu qarax ka dhex dhacay.
Xubnaha Waxyaha Ammaanka ee qaar ka mid ah Hoteelladda ayaa kula taliyey Milkiilaayasha in sababo dhinaca Ammaanka loo joojiyo Qandaarska ay kula jiraan Shirkadda ECCO, si looga badbaado khataro ka dhalan kara Gaadiidkaasi oo inta badan gudaha u soo gala Hoteelladda.
Dhinaca kale, Maamulka Gobalka Banaadir oo horey Shirkadda ECCO fasax shaqo ugu siiyey Nadaafadda Gobalka Banaadir waxaa laga rajeynayaa inay dib-u-eegis ku sameeyaan Qandaraaskaasi iyo Khatarta ka iman karta Gadiidka Qashinka qaada ee Shirkadaasi oo aan lahayn Qalab Casriga ee Digniinta ka bixiya waxyaabaha qarxa.
Si kastaba ha ahaatee, Qarixii Gaariga Shirkadda ECCO ee xalay ka dhacay Muqdisho waxa uu Dadku ku abuuray Naxdin weyn, iyadoo dadweynuhu weli xusuustaan Qarixii Gaariga Xamuulka loo adeegsaday ee bishii hore 14-dii ka dhacay agagaarka Isgoyska Ex-Zoope, kuna geeriyoodeen in ka badan 320-qof, kuna dhaawacmeen boqolaal kale.