Darawalada Mooto Bajaajka oo xirtay mid ka mid ah Isgoysyada ugu Waaweyn Muqdisho

Darawalada Gaadiidka loo yaqaano Mooto Bajaajta ayaa Maanta waxa ay banaanbax Cabasho ah ka dhigeyn Isgoyska km4 ee Magalada Muqdisho,iyada oo Wadadaasi xiray.

Darawalada ayaa waxa ay ka cabanayaan in Ciidamada Dowladda oo ay sheegen in ay wadooyinka ka xiraan,iyaga oo aan u hoggaansamin amamrkii Madaxweyne farmaajo ee Maalin kahor oo ahaa in Shacabka Wadooyinka loo furo.

Mudo Saacad ku dhow ayaa Darawalada Mootooyinka Bajaajka waxa ay xayireen isku-socodka Gaadiidka,iyaga oo Wadada ku jaray Mootooyinkooda.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay isgoyska km4 waxa ayna Darawalada mooto Bajaajka ku qancyeen in ay Wadada furan si Bulsahda sooman ay u maraan.

Dhawan ayaa waxaa Ciidamada dowladda ay xireyn Isgoysyada qaar,waxana cabasho ay ka timid Bulshada Soomaaliyeed taas oo keentay in Madaxweyne Farmaajo uu amro in Wadooyinka loo furo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media