Daraasaad lagu sameeyey sababaha ay dhallinyarradda Kenyaanka ugu biiraan Alshabaab

Dr. Mustaf Ali oo ah Cilmi-baare ku takhasusay Xag-jirnimadda ayaa sheegay in inta badan Kenyaanka ku biiray Alshabaab ay kal yihiin kuwo Diin ahaan u taageeray, halka  6% yihiin kuwo ugu biiray si ay Dhaqaale u helaan.

Khabiirka oo wareysi siiyey Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi ayaa sheegay  inay Kenyaanka  79% ugu biireen Alshabaab si ay u difaacaan Diinta.

Khabiirka waxa kaloo uu tilmaamay in kuwa ku biiray Alshabaab 30% ay ku tashkiiliyeen saaxiibadooda, halka 24% ay iskooda u go’aansadeen inay ka mid noqdaan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Cilmi-baaristiisa ku ogaaday in 4% yihiin kuwo ay qoreen Culumaa’udiinka.

Cilmi-baarista waxaa kaloo lagu muujiyey  da’da dhallinyarradda la sheegay in loo tababaray Xag-jirnimo, waxaana lagu hseegay  inay dhallinyaradaasi da’dooda u dhexeyso 10 ilaa 24 jir, kuwaasi oo ka kala tirsan Alshabaab iyo Ururka lagu magacaabo Golaha Jamhuuriga ee Mombasa (Mombasa Republican Council)

Daraasadda ayaa lagu sheegay inay  Dhallinyaradaasi 35% ka tirsan yihiin Alshabaab, halka 45% ka tirsan yihiin Ururka ka dhisan magaalladda Mombasa ee MRC.

Xigasho: The Standard

© Warqabadka Radio Dalsan
MOMBASA REPUBLICAN COUNCILALSHABAB

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor