Danjire Key oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wakiilka Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nichlas Key ayaa maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Danjire Key ayaa kulamo kula Qaadanaya Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ah Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Ee Soomaaliya.

Wariyaha Idaacada Dalsan ee Magaalada Baydhabo Maxamed Aadan Socdaal ayaa Soo Warinaya in kulankaasi uu iminka Soconayo iyadoona Bahda Saxaafada ay banaan joog ka Tahay Kulankaasi.

Lama oga Waxaa ay ka Wada hadlayaan Danjire Key iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya.

Kulanka Markii uu Soo Dhamaado ayaa lagu Wadaa in ay la Hadlaan Bahda Warka Fidiya.

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa Sidoo Kale Maanta Aad loo Adkeeyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor