Danjire Ali Ameriko:- “Guul ayaa laga gaaray faragelinta ay Milliteriga Kenya kula dagaalamayaan Xarakadda Alshabaab

Ambassador Mohamed Ali Nuur “Ameriko” oo ka mid ah Rug-caddaayaasha Diplomaasiyadda Somalia ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi maanta lagu soo daabacay Wargeyska The Standard Media ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, wuxuuna tilmaamay in ay Ciiddanka Kenya iyo kuwa AMISOM ka taageereen Ciiddanka Qaranka ee Somali National Army sidii loogu guuleysan lahaa dagaalka lagula jiro Xarakadda Alshabaab.

Ambassador Ali Ameriko, waxa kaloo uu xusay haddii la wadaago Wararka Sirdoonka in laga hortegi karo qorshooyinka ay Alshabaab ku doonayaan inay weeraro kaga geystaan dalalka Somalia iyo Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.

Ambassador Mohamed Ali Ameriko oo muddo 7 sanno Danjire ka ahaa dalka Kenya ayaa wax laga weydiiyey waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu xaqiijiyey muddadii uu xilkaasi hayey, wuxuuna sheegay inuu horumariyey Ganacsiga Somalia iyo Kenya iyo inay Diyaaradaha Caalamiga, siiba Shirkadda Turkish Airlines duullimaadyo ku tagaan Madaarka Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku daray inuu rajeynayo inay Shirkadda Kenya Airways ku soo biiri doonaan Diyaaradaha taga Muqdisho iyo magaallooyinka kale ee Somalia.

Ambassador Ali Ameriko waxa kaloo uu tilmaamay inay guul ballaaran tahay inuu Calanka Somalia ka dul-babanayo dhismaha Safaaradda Somalia ee magaalladda Nairobi.

Mar wax laga weydiiyey waxa uu u sheegi karo dadka Kenyaatiga waxa uu Ambassadorka sheegay inaan Soomaalida oo dhan lala xiriirinayey  weeraradda ay Alshabaab  ka geystaan Kenya.

Waxa kaloo  uu tilmaamay inay Somalia iyo Kenya leeyihiin caddow isku mid ah, loona baahan yahay in si mideysan loola dagaalamo, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale,  waxaa wax laga weydiiyey Hankiisa Madaxweyninimo  ee ku aadan  Doorashadda Madaxtinimadda ee Somalia ka dhici doonta sannadka soo socda, waxa uu ku gaabsaday inuu doonayo inuu noqdo Ambassadorka Nabadda “to be a peace ambassador”

 Xigasho:- The Standard Media

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor