Danjire Afey oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay In Kenya Laga Taageero Dagaalka Al Shabab

Ergayga Dowladda Kenya uga wakiilka ah Urur-gobaleedka IGAD, Ambassador Mohamed Abdi Afey ayaa sheegay in weerarkii Alshabaab dhawaan ka geysteen Jamaacadda Gariisa astaan u tahay weeraradda baahayo ee ay Alshabaab ka geystaan dalalka Geeska Afrika.

Isagoo la hadlayey Wargeyska The Standard waxa uu intaasi ku daray inay ka rajeynayaan Beesha Calaamka inay Dowladda Kenya taageero ka siiyaan Dagaalka Alshabaab.

“Dilkii 148-kii qof ee ku geeriyootay weerarkii Jamaacadda Garissa, waxay abuuri doontaa inay Beesha Caalamka ku dhaqaajin doonto inay la dagaalamaan Alshabaab” ayuu yiri Ambassador Mohamed Abdi Afey.

Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay inay Dowladaha Caalamka kordhiyaan Taageeradda ay siiyaan

Dowladaha dagaalka kula jira Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Ergayga Dowladda Kenya uga wakiilka ah Urur-gobaleedka IGAD, Ambassador Mohamed Abdi Afey waxa uu sheegay inaan Ciiddanka Kenya laga soo saari doonin gudaha dalka Somalia.

“Waxaan ku dhex jirnaa xaallad dagaal. Ciiddankeenna waxay ku sugan yihiin gudaha Somalia, iyagoo safka hore kaga jira dagaalka, lagamana soo saarayo Somalia” ayuu yiri Ergaygaas, oo intaasi ku daray inay Ciiddanka Kenya u baahan yihiin taageero badan, si ay u wiiqaan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Dhinaca kale, Ururka Alshabaab ayaa kordhiyey weeraradda ka dhanka ah Kenya, iyagoo ugu baaqay Dowladda Kenya inay Ciiddankooda kala baxaan Somalia.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor