Danjiraha cusub ee Kenya u jooga Somalia oo ka badbaaday Isqarixintii ay Alshabaab ka fuliyeen Hotel Jazeera

Danjiraha Kenya u jooga Somalia, Lucas Tumbo ayaa ka badbaaday weerarkii Isqarxinta ee ay Alshabaab shalay ka geysteen Hotelka Jaziira ee magaalladda Muqdisho.

Danjire Lucaas Tumbo oo ah Jeneral Hawlgab ah waxa uu ka mid ahaa dhowr Diplomaasiyiin iyo Saraakiil Sarsare oo ka tirsan Ururadda Caalamiga oo ku sugnaa gudaha Hotelka, markii gaari xamuul oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa shalay galab  lala beegsaday Hotelkaasi.

Danjiraha Kenya u jooga Somalia, Lucas Tumbo oo ay dhawaan soo magacaabeen, soona ansixiyeen Barlamaanka Kenya, waxa uu bishan July 24-dii la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federalka, C/salaam Hadliye Omar oo uu u gudbiyey Nuqul ka mid ah Warqadihiisa Aqoonsiga Danjirenimo.

 

 

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor