Daniel Arab Moi oo ka codsaday Dowladaha Reer Galbeedka inay Kenya ka taageeraan Dagaalka Alshabaab

Madaxweynihii  hore ee dalka Kenya, Daniel Arab Moi waxa uu si kulul u cambaareeyey weerarki ay Dagaalamayaasha Alshabaab dhawaan ka geysteen Jamaacadda Garissa, kuna geeriyoodeen 148-qof.

Moi oo hawlgab ka noqday Siyaasadda, waxa uu ugu baaqay  Dowladda Kenya inay adkeeyaan ammaanka guud ee Kenya, isla markaana weerarka Alshabaab loo qaato xaallad khatar ah.

Waxa kaloo uu ugu baaqay Dowladaha Reer Galbeedka inay Kenya ka taageeraan dagaalka lagula jiro waxa uu ugu yeero Kooxaha Argagixisadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor