Dalsan-Fm: AMISOM Oo Beenisay In Ay Al-Shabaab Ay Ka Dileen 39 Askari

Al-shabaab ayaa war ay soo saareen ku sheegay in 39 askari oo ka tirsanaa howlgalka midowga Africa ee AMISOM ku dilleen dagaal Maanta ka dhacay meel u dhaw deegaanka Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha hoose Isla Markaana Magaalada Muqdisho Ujirta 120km

Dagaalka ayaa dhacay kaddib markii Al-shabaab ay waddada u galleen gadiid ay la socdeen ciidamada AMISOM oo ku sii jeeday deegaanka Buula-mareer.

Kollanyada ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in dhowr jiho weerar looga soo qaaday, waxa Uuna weerarka xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Golweyn.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa ah gobolka ugu badan oo ay ka dhacaan dagaallada dhaxmara ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media