Dalladda Warbaahinta SIMHA oo cambaareeyey Suxufinta ay Ahlu Suna ku xireen magaalladda Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Dalladda Warbaahinta Madaxa Bannaan ee Somalia (SIMHA), Hassan Ali Geesey ayaa sheegay inay ka xun yihiin xariga ay Maamulka Ahlu Suna Wal-jameeca Jimcihii ku xireen saddex Saxafi oo ka hawlgeli jirey magaallo-madaxda Gobalka Galgaduuud ee Dhuusa-ma-reeb.

Guddoomiyaha SIMHA, waxa uu ugu baaqay Maamulka Ahlu Suna inay shuruud la’aan sida ugu dhaqsaha badan u sii daayaan Suxufiyiinta u xiran.

“Waxaan ugu baaqaynaa Ahlu Suna Wal-jameeca inay xushmeeyaan Warbaahinta, isla markaana u oggolaadaan Suxufiyiinta inay si xor ah uga hawlgalaan Deegaanadda ay Ahlu Suna ka taliyaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Dalladda SIMHA.

Suxufiyiinta ay Ahlu Sunna ku xireen magaalladda Dhuusa-mareeb waxay kala yihiin:- Mohamed Abdi Mohamed, oo u shaqeeye Telefishinka Qaranka ee SNTV, Abdijamal Macalim Ahmed oo u shaqeeya Kalsan TV iyo Bashir Mohamud Salaad of ka tirsan Horncable TV.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Dalladda SIMHA, waxa uu Waxa kaloo uu ku booriyey Kooxaha Siyaasadda ee Goballadda Dhexe iyo guud ahaan Siyaasiyiinta Soomaalida inay xushmeeyaan muhiimadda Warbaahinta iyo Xuquuqda Suxufiyiinta ka hawlgala gudaha Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor