Dalka Indonesia oo ay ka socdaan Hawlgal lagu raadinayo Maxaabiis ka baxsatay Xabsiga.

200 ilaa 250 Maxbuus ayaa la sheegay inay ka baxsadeen Xabsi ku yaalla Jesiiradda Sumatria, kadib, markii ay u itaal sheegtay 6 Askari oo ilaalo ka haysay Xabsigaasi oo ay ku xirnaayeen in ka badan 1,870  Maxbuus.

Afhayeenka Boliska Deegaanka, Kolonel Guntur Aryo Tejo ayaa sheegay inay Ciiddan dheeraad ah loo diray Hawlgal lagu soo qabtay 130 ka mid ah Maxaabiistii baxsatay.

Waxa uu sheegay inay Maxaabiista qaarkood isa soo dhiibeen, halka kuwa kale ay qabteen Boliska iyo dadka Rayidka.

Xabsigaasi oo loogu talagalay in lagu xiro 361-qof ayaa waxaa haatan ku xiran in ka badan 1,870-Maxbuus.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media