Dalal Carbeed oo shuruudo badan ku xiray la heshiinta Qadar

Saudi Arabia iyo dalalka kale ee gacanka ee Qatar xiriirka ugu jaray tuhunada ku saabsan inay taageerto argagixisada, ayaa soo bandhigay liis ay ku qoran yihiin dalabyo ay doonayaan in la fuliyo.

Dowladda Kuwait oo dhexdhexaadineysa dalalkan ayaa dalka Qatar u gudbisay liiska dalabyada, waxaana ku jira in Qatar ay xiriirka u jarto Iran, islamarkaana gebi ahaan xirto taleefishinka Aljazeera iyo dhammaan taleefishinada kale ee hoos yimaada.

Dalabyada ayaa waxaa sidoo kale ay Qatar ugu baaqayaan “inay xiriirka u jarto dhammaan ururada argagixisada”, gaar ahaan kooxaha Ikhwaanul Muslimiin, Daacish, Al-Qacida iyo kooxda Xisbullah ee dalka Lebanon.

Xulufada Sacuudiga ayaa sidoo kale doonaya in Qatar “ay si deg deg ah usoo afjarto joogitaanka milatariga Turkiga ee dalkaas, iyo xiriirka wada shaqeyn ee kala dhaxeeya”.

Dalalkan kala ah Sacuudiga, Masar, Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa dhinaca kale dalbanaya in Qatar ay usoo gacan geliso “shaqsiyaadka argagixisada” iyo shaqsiyaadka kale ee dalalkooda laga doonayo.

Dalalka Carbeed ayaa Qatar siiyey inay toban maalmood ku ogolaato dalabyada, ayaga oo aan wax tusmo ah ka bixin waxa dhici doona, haddii aysan Qatar ogolaan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media