Daily Nation: “Dad badan oo Somali-Kenyan ah badashayna dhalashada oo laga yaabo inay ku geeriyoodeen Qarixii Muqdisho

Wargeyska Toddobaadlaha ee “The Sunday Nation ee ku mataansan Wargeyska Maalinlaha ee Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi waxa uu Maqaal dheer ka qoray sida ay Muwaadiniinta Kenyanka asalkoodu yahay Somali ugu soo shaqo tagaan Hay’addaha Caalamiga ee ka hawlgala magaalladda Muqdisho.

Wargeyska waxa kale oo uu qoray inay dadkaasi saamayn ku yeelato Qaraxyadda ka dhaca Muqdisho, iyadoo ay 2 qof oo Somali-Kenyan ah ka mid ahaayeen boqolaalkii qof ee ku geeriyootay qarixii bishan 14-dii ka dhacay Isgoyska Zoope (KM 5) ee magaalladdan Muqdisho.

Wargeyska waxa uu qoray in Haweeney Kenyan dhallinyaro ah oo ahayd Agaasimaha Xafiiska Jinsiga ee Wasaaradda Qorsheynta ee DFS ka mid ahayd dadkii ku geeriyooday Qarixii Zoope.

Maydka aadka u gubtay ee Ayaanbadan Ina Maxamed ayaa laga dhex helay burburka dhismayaasha ee qarixii isbuucii hore oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 300 oo qof.

Ayaanbadan ama Ayaan sida ay u yaqaanaan Saxaiibadeeda waxay ahayd gabar qurux badan oo aad u faraxsan, kana soo jeeday Gobalak Mandheera, waa sida uu qoray Wargeyska Daily Nation.

Marxuumadda oo da’deedu ahayd 28-jir, waxay dhawaan Shahaadada “Master”-ka ee Cilmiga Horumarinta kaga soo qalin jebisay Jaamacadda Beeraha iyo Teknoolajiyada ee Jomo Kenyatta University of Agriculture and Technology.

Nin ay ilmo adeer ahaayeen Marxuumadda oo lagu magacaabo Axmed Maxamed ayaa u sheegay Wargeyska The Sunday Nation inay Ayaan timid Muqdisho sannadkii 2012-kii, si ay uga shaqeyso Xafiiska Ra’isul-wasaaraha, ka hor inta aan loo bedelin Wasaaradda Qorsheynta oo ay labadii sanno ee la soo dhaafay ka ahayd Madaxa Xafiiska Jinsiga ee Wasaaradaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media