Dahabshiil oo ugu baaqday Ra’isul-wasaaraha cusub ee Britain inay horumariso Xiriirka Somalia.

Maamulaha Guud ahna Milkiilaha Shirkadda Xawaalladda Dahabshiil, Abdirashiid Ducaale ayaa ugu baaqay Haweeneydda Ra’isulwasaaraha ka ah dalka Britain, Theresa May inay tageerto Maalgashiga lagu taageerayo Dhaqaalaha Afrika. 

Maamulaha Guud ee Dahabshii, waxa uu tilmaamay in Maal-geliyaasha Afrika rajo ka qabaan in Theresa May  ku baaqi doonto inay si dhow ula shaqeynayso Dowladaha iyo Hay’adaha Afrikaanka si loo horumariyo Qaaradda Afrika.

Abdirashid Dahabshiil, waxa uu Theresa May ugu baaqay inay  horumariso Xiriirka xooggan ee ay la leedahay xubnaha Mujtamaca Soomaalida ee ku nool dalka Britain, si loo dhiiri-geliyo Adeegyadda Xawaaladda oo uu xusay in lagu taageero dadka ku nool Qaaradda Afrika

UKWaxa kale oo uu xusay in Xawaaladaha Lacagaha taageero ka geystaan Dib-u-dhiska Somalia ee horey ugu burburay Dagaalladii sokeeye ee ka dhacay Somalia.

Si kastabaha ha ahaatee, Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo Shirkadaha Xawaaladaha Afrikaanka ee ka hawl-gala gudaha Qaaradda Europe ka baqanayaan in Ganacsigooda uu saamayn ku yeesho Cod bixintii ay Britain kaga baxday Ururka Midowga Europe ee EU-da.

Kumanaan Soomaali ah oo ku nool dalka Britain iyo guud ahaan Qaaradda Europe, ayaa waxay Kharaj ugu soo xawilaan Eheladooda ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo ku tiirsan Lacagaha loo soo xawilo.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media