Dagalaamayaasha Alshabaab oo qarxiyey Tekniko ay Ciiddanka Kenya leeyihiin

Kooxo hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay labo hawlgal ka fuliyeen nawaaxiga Degmadda Gariisa ee W/bari ee Kenya.

Madaxa Ammaanka ee W/bari Kenya, Mohamoud Salah ayaa  sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab weerareen Gaari Tekniko oo ay Ciiddanka Kenya leeyihiin oo ka yimid Saldhigooda ku yaalla Deegaanka Hullugho, kuna  sii jeeday Degmadda Garissa.

Isagoo la hadlayey Wargeyska The Standard waxa uu intaasi ku daray inaysan ciddina wax ku noqonin qaraaxasi, isla maarkaana ay ciiddanka ku  raadaab joogo Dagaalyahannadda Alshabaab ee weerarka geystay.

Waxa uu xusay inay xubnaha Alshabaab ka gudbeen xuduudka Somalia.

Dhinaca kale, Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay inay xalay gaareen Tuulladda Buula-galool oo 40-km u jirta xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.

Madaxa Ammaanka ee W/bari Kenya, ayaa sheegay inay Dagaalamayaal  tiradooda lagu qiyaasay 10 qof  ay soo galeen Tuulladdaasi, isla markaana ay oday ka mid ah dadka Deegaanka ka codsadeen inuu geeyo goob Masjid laga dhisayey.

Mohamoud Salah waxa kaloo uu  sheegay inay Alshabaab rasaas ku fureen shaqaalihii dhismaha, kuwaasi oo uu xusay inay ka baxsadeen weerarkaasi.

Shaqaalahaasi oo tiradoodu dhamayd 7 qof, oo aan u dhalanin deegaanka ayaa la sheegay inay u baxsadeen dhulka hawdka, oo ay ugu dambeyntii Ciiddanka Ammaanka ugu soo gurmadeen.

Weerararadaasi ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay Alshabaab dhawaan shaaciyeen inay kordhin doonaan weeraradda ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor