Dagaalyahano Somali ka barbar dagaalamaysay Xuutiyiinta oo lagu dilay Yemen.

Sida maanta uu qoray Wargeyska Asharqal-awsad oo ka mid  ah Jaraa’idka ugu akhriska badan dalka Sacuudiga, waxay Ciiddanka Qaranka Yemen sheegeen inay dad u dhashay Somali ay xilal sare ka hayaan Kooxda Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee Yemen.

Axmed Al-dabxaani oo ka tirsan Ciiddanka Qaranka Yeman ayaa u sheegay Wargeyska inay 2 dagaalyahan oo Somali ah ku dileen Iska-horimaad ay Dagaalamayaasha Xuutiyiinta kula galeen Tuulladda Al-sayaar oo hoos taga Degmadda Al-salwa ee duleedka magaalladda Ticis, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu intaasi ku daray inay Ciiddanka labo goobood kula dagaalameen Maleeshiyadda Xuutiyiinta, kana dileen Tobaneeyo Maleeshiyo oo 2 ka mid ay Somali ahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, markii ugu horreysay ee ay Warbaahinta shaaciyeen inay Muwaadiniin Soomaali ah ku biireen Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta gudaha dalka Yemen.

Madaxweyne C/rabu Mansuur Haadi waxa uu Shirweynihii ugu dambeeyey Golaha Guud ee QM ka sheegay inay gacanta ku dhigeen Carruur Soomaali ah oo ka barbar dagaalamaysay Kooxda Xuutiyiinta ku kacsan Dowladiisa.

Waxa uu intaasi ku daray inay Carruurtaasi geeyeen Xarumaha Dhaqan-celinta, si loo dhiso Mustaqbalkooda.

Boqolaal Kun oo Qaxooti Soomaali ayaa weli ku nool dalka Yemen, kuwaasi oo badankooda ku go’doomay dagaalladda ka socda dalkaasi.

Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta ee IOM oo kaashanayso Xarunta Boqor Salmaan-ka Sacuudiga ee Samafalka iyo Adeega Aadanaha ayaa bilaabay qorshe dib loogu soo celinayo Qoysaska Soomaalida ee weli ku xayiran dalka Yemen.

Dufcadii ugu horreysay ayaana lagu soo daad-gureeyey Markab ka soo shiraacday Dekedda magaalladda Sanca, kaasi oo la filayo inuu ku soo xirto Dekedda Bosaaso.

yemen

Sidoo kale, Qoysaskaasi ku xayiran Yemen ayaa la filayaa in Duullimaadyo Diyaaradeed lagu soo qaado, kuwaasi oo laga soo dejin doono Garoonka Calaamiga ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

©Radio Dalsam

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor