Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay G/Jubbada hoose

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka goobweyn ee gobolka Jubbada Hoose dagaalkaas oo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Jubbaland oo wada howlgalo lagu xaqiijinayay dhanka amniga ay iska horyimaadeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab taas oo keentay in uu dhaco dagaal qaatay mudo saacado ah sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland.

Mid ka mid ah Saraakiishaas oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku dileen 4 ka tirsan Al-Shabaab halka mid kale isagoo dhaawac ah ay iminka gacanta ku hayaan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in howlgallada ay weli sii socon doonaan ilaa deegaanada Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan lagala wareegi doono halka Ninkii dhaawaca ahaa ay qabteena ay ku soo wareejin doonaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale majiraan wax War ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ee ku aadan daagalkaas iyo waliba sheegashada saraakiisha jubbaland in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media