Dagaalyahanno shisheeye oo ka tirsan Daacish oo ku sugan Puntland.

Shabakadda Wararka ee Hespress.com ee laga leeyahay dalka Boqortooyadda Moroko ayaa shaacisay inay Dagaalyahanno Ajaaniib ah oo ka tirsan Kooxda Daacish ku biireen  Madaxa Daacish ee Buuraha Galgala, Sheekh C/qaadir Muumin.

Hoggaamiyahaasi oo ka go’ay Xarakadda Alshabaab waxa uu bishii October ee la soo dhaafay shaaciyey inuu ku biiray Kooxda isku magacowda Dowladda Islaamka ee Daacish oo uu hoggaamiyo Ibrahim Bin Cawad oo loo yaqaano Sheekh Abu Bakar Albaqdaadi.

Muuqaal Video oo uu Sheekh C/qaadir Muumin soo saaray ayuu ku sheegay inay ku biireen Daacish isaga iyo 100-dagaalyahan, kuwaasi oo ku sugan qeybo ka tirsan Puntland, gaar ahaan Buuraha Galgala.

Dagaalyahanno Ajaaniib ah ee la sheegay inay ka goosteen Xarakadda Alshabaab ayaa ku biiray Dagaalamayaasha Daacish ee ku sugan Puntland, waxaana Dagaalyahanadaasi ku jira kuwa u dhashay dalka Morroko, sida ay xaqiijiyeen Warbaahinta dalka Moroko.

© Radio Dalsan

Xigasho: HESPRESS.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor