Dagaalyahan xiriir la leh Kooxda Daacish oo lagu dilay dalka Masar.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in 10-Maleeshiyo lagu dilay Hawlgal shalay ka dhacay mid ka mid ah goobaha gabaadka u ah Maleeshiyadaasi oo ku taalla Degmadda Al-cariish ee Waqooyiga Siinaay.

Maleshiyadda la dilay ayaa la sheegay inay xiriir la lahaayeen Hoggaamiye ka tirsan Kooxda Ansaar Al-maqdis oo u asaasay Kooxdaasi si ay u weeraraan Ciiddanka Ammaanka.

Kooxdaasi oo magaceeda u bedelatay Falaayat Siinaay waxay xiriir la leeyihiin Kooxda Daacish oo si xoogan uga hawlgala dalalka Iraq iyo Syria.

Bishan Janaayo 9-dii, Kooxda Daacishta Masar ayaa sheegatay qarax loo adeegsaday gaari miineysan oo lagu dilay Tobaneeyo Askar Masaari ah oo ku sugnaa Degmadda Al-cariish.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor