Dagaalo markale ka bilaawday Bariga Gobolka Mudug

War Goordhow soo gaaray Warqabadka Radio Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheeyaa in qeybo kamid ah Waqooyiga Bari ee Gobolka Mudug uu saakay ka bilaawday dagaal u dhaxeeyo laba Maleeshiyo beeleed kaos oo waayadaan halkaasi ka dhacayay.

Dagalka ayaa intiisa badan ayaa waxa uu ka socdaa deegaanada lagu kala magacaabo Bali-busle iyo Cali Waal ee Bariga Gobolka Mudug,waxaana dadka deegaanka qarkood oo nala hadlay ay shegeen in dagaalka ay ku geeriyoodeen ilaa 4 Ruux oo kamid ah Maleeshiyaadka wada dagaalamaya halka dhaawacana uu intaas ka badan yahay.

Maleeshiyadka dagaalamaya ayaa isku heesta dhul daaqsin ah oo halkaasi ku yaalla badankoodna waa dad xoolo dhaqato ah,iyadoona horay ay u jireen dilal aanooyin qabiil ah oo halkaasi ka dhacay.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media