Dagaalo khasaaro geystay oo Galabta ka dhacay Muqdisho

Gelinkii dambe ee Maanta oo talaado ah ayaa waxa israsaaseyn ay ciidamo ka wada tirsan dowldda soomaaliya waxa ay ku dhex martay degmada Kaaraan ee Gobolkan Banadir.

Israsaaseyntaan ayaa timid kadib markii la isku qabsaday guri ku yaalla Xaafada Cali geedi ee degmadaasi Kaaraan,sida ay Dalsan u sheegeen dadka deegaanka.

Goobjoogayaasha ayaa waxa ay sheegeen in israsaaseyntaas ay ka dhalatay khasaaro balse ilaa iyo hadda aan la cadeyn Karin.
Dhinaca kale isla Maanta ayaa Ciidamo ka wada tirsan dowaladda waxa ay ku dhexmartay degmada hodan ee Gobolka Banaadir,In kstoo aan la ogeyn waxa sababay israsaaseyntaas.

Wararka ay Dlsan heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in israsaaseynta ka dhacday degmada hodan gaar ahaan Xaafada Tarabuunka ay ku dhaawacmeen laba ruux oo Shacab ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media