Dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

Al-Shabaab ayaa markale saakay weerar ku qaaday deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Dagaal culus oo mudo socday ayaa halkasi ku dhexmaray,kaas oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeeg sanayay sida ay dalsan u sheegeen dad deegaanka qaarkood oo sheegay in ay cabsi soo wajahday.

In kastoo haatan xaalada deegaanka Golweyn ay tahay mid degan balse Warar ay Barta Internet-ka ku qoreen Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in ay la wareegeen deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellah Hoose.

Dhanka kale Idaacadda Dalsan ayaa xiriir la sameysay Maamulka Magaalada Buulo Mareer si ay wax uga weeydiiso dagaalkaas,balse kama aysan ka jawaabin taleefoonadeena.

Deegaanka Golweyn oo u dhaxeeya Magaalooyinka Marka iyo Buulo Mareer ayaa waxaa mar walba weeraro ku soo qaada ciidamo ka tirsan Al-Shabaab,waxana Sarakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay horay u sheegeen in ay iska difaacayaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media