Dagaalo iyo duqeymo ka dhacay Gobolka Shabeellaha hoose

Diyaarado dagaal oo aan la ogeyn halka laga leeyahay ayaa xalay Saqdii dhexe waxa ay duqeyn xooggan ka geesteen qeybo kamid ah Gobolka Shabeellaha hoose.

Duqeyntaan ayaa Diyaaraduhu waxa ay la beegsadeen fariisin ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka tooratooroow ee gobolkaas,mana cada khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay soo sheegaayn in ay casbi soo wajahday islamarkaana xalay Saqdii dhexe ay maqlayeen jugta duqeynta.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa deegaanka tooratooroow kaas oo ay wadaan ciidamada dagaalyahanada Al-Shabaab.

Shalay ilaa haben hore ayaa waxaa dagal culus uu ku dhex maray deegaano ka tirsan Gobolkaasi Shabeellaha hoose Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda Sooamaliya taas oo suurtagashay in Ciidanka dowladda iyo kuwa Amisom ay tuulooyin Cusub la wareegaan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media