Dagaalo Caawa ka dhacay Xaafado ka tirsan Muqdisho

Wararka aan Caawa ka heleyno Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa ay ka dhaceyn dagaalo u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii rag hubeysan ay weerareen Caawa markii laga baxay afurka Xarumo Ciidamada dowladda ku leeyihiin Isgoyska Sos iyo agagaarka Baar Jowhar ee degmada Hurwaa,sida ay dalsan u sheegeen dad ka agdhow goobihii lagu dagaalamay.

Khasaaro ayaa lagu soo warramayaa in dagaalkaas uu ka dhashay,in kastoo weli sidhab ah loo ogeyn tirada dhimasho iyo midka dhaawac ee dagaalkaas.

Xiriiro aan la sameynay Maamulka degmada Hurwaa ayaan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino dagaalkaas,waxaana haatan degan goobihii lagu dagaalamay ee Xaafada Suuqa xoolaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor