Dagaalka K/Suudaan oo ka bilowday Qoraal  la soo dhigay barta Facebook ee Riek Machar

Ilaa 272 qof ayaa lagu dilay dagaallada maalmihii la soo dhaafay ka dhacay caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba.

Danjiraha Dowladda Koonfurta Suudaan u jooga caasimadda dalka Kenya, Ambassador Chol Ajongo ayaa sheegay in dagaalladii qarxay Isbuucii hore ay ka bilowdeen War been ah oo la soo dhigtay Barta Facebook ee uu leeyahay Madaxweyne-ku-xigeenka Koowaad ee dalka K/Suudaan, Riek Machar.

A.AJONGODanjiraha oo Suxufiyiinta kula hadlay Nairobi waxa uu ku eedeeyey Afhayeenka Madaxweyne-ku-xigeenka Koowaad  ee dalkaasi oo lagu magacaabo James Gatdet inuu ka dambeeyey Warka la soo dhigay barta Facebook, laguna sheegay in Madaxweyne-xigeenka lagu xiray Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Jubba.

Ambassador Chol Ajongo waxa uu tilmaamay in Ciiddanka Jabhadda Xorreynta K/Suudaan ay weerar ku qaadeen Ciiddanka Dowladda, iyadoo iska horimaadkaasi lagu dilay Askar badan oo ka tirsan Ciiddanka Dowladda.

“Tani waa been abuur, waayo Madaxweyne-ku-xigeenka Koowaad waxa uu xilligaan Kulan kula lahaa Madaxweyne Salva Kiir iyo Ku-xigeenkiisa, James Wani iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Dowladda” ayuu yiri Danjiraha.

Dhinaca kale, xaalladda dalka K/Suudaan ayaa weli kacsan, iyadoo kumanaan qof ka qaxeen magaalladda Jubba.

Dowladaha Maraykanka, Kenya, Uganda iyo kuwo kale ayaa bilaabay inay Muwaadiniintooda kala soo baxaan dalkaasi.

Maraykanka waxay  ku-dhawaad 40 Askari u direen caasimadda dalka K/Suudaan ee Jubba, si ay u dedejiyaan daad-gureynta Shaqaalaha Safaaradda Maraykanka iyo Muwaadiniintiisa.

SILVA

 

 

SS1

 

SS2 SS2

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media