Dagaalka Gaalkacyo oo laga cabsi qabo inuu caqabad ku noqdo Doorashada 2016ka

Siyaasiga Maxamed Maxamuud Nuur (Caalin) oo dowlada Finland kala taliya Arrimaha Soomaaliya ayaa kumicneeyay Dagaalka Gaalkacyo mid ka qota dheer laami la dhiso balse uu huwan yahay waji   siyaasadeed oo Dawlada iyo madaxda maamul Goboledyada qaar ay isugu gamban yihiin doorashooyinka la filayo sanadka soo socdo in Dalka ay ka qabsoonto.

Diplamaasiga ayaa sheegay in madaxda maamul goboledyada qaar ay ka feejigan yihiin turun turooyin siyaasaded islamarkaana ay isku dayayaan in ay ka hortagaan fursad waliba oo lagu qal-qalgalin karo Doorashada sida uu hadalka u dhigay.

Siyaasiga Caalin ayaa ku taliyay in madaxda ay iska daayaan kursi jaceyl basle loo baahan yahay in ay gartaan maslaxada Dalka iyo tan danaha Dadka ay ku jirto si badbaado loo helo.

Iyadoo bishan December lagu madlaanaa in wada tashiyada qaran shirarkii lagu soo gabagabeeyay magaalooyinka ay ka arimiyaan maamulgoboledyada iyo Casimada Muqdisho lagu waday in uu qabsoomo si loo eego talooyinkii lasoo uruuriyay ee hanaanka Doorasho 2016 ka  balse isweydiinta ayeey tahay maqabsoomi doonaa shirkaasi mise waxaa nafeeynaya Dagaalkii Galkacyo.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor