Dagaalamayaasha Reer Galbeedka ee ka tirsan Alshabaab oo ku cadaadinayo Hoggaanka Sare ee Alshabaab inay ku biiraan Daacish

Ninka Kenyan ka goostay Alshabaab oo aan magaciisa iyo muuqiisa la soo bandhigin, ayaa u sheegay Wargeyska Daily Nation inay jiraan Kala-qeybsanaan ka dhex jirta Hoggaaminta Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Kala-duwanaansho kale ka dhex jirto Dagaalamayaasha Soomaalida, kuwa Kenyanka iyo Tababarayaasha Shisheeyaha ee ay Ururka Alqaacid u soo direen gudaha dalka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Ninka Kenyanka oo la sheegay inuu horey Alshabaab u tashkiilin jirey Dhallinyaradda Kenyanka, balse iminka  lagu hayo goob ammaan ah waxa kaloo uu Baarayaasha Hay’addaha Ammaanka Kenya u sheegay in Dagaalamayaasha ka yimid dalalka Reer Glabeedka, gaar ahaan kuwa asalkoodu Carab yahay   waxay Hoggaanka Sare ee Alshabaab ku riixayaan inay ku biiraan Dowladda Islaamka ee Daacish ee ka dagaalanta Syria iyo Iraq.

Dagaalamayaasha Reer Galbeedka, gaar ahaan kuwa Carabta ee ka tirsan Alshabaab waxay u ololeynayaan inay Alshabaab ka mid noqdaan Hoggaaminta Sheekh Abu Bakar Albaqdaadi ee hoggaamiya Dacaish.

Inta badan Hoggaanka Sare ee Alshabaab ayaa ku adkeysanaya inay u sii daacad ahaadaan Ururka Alqaacida oo ay dhowr sanno ka hor ku biireen.

Khilaafkaasi ayaa yimid, iyadoo Qeyb ka mid ah Saraakiisha iyo Dagaalyahannadda Alshabaabka ku sugan Buuraleyda Galgala ee Puntland shaaciyeen inayku biireen, isla markaana daacad u yihiin Hoggaamiyaha Daacish, Sheekh Ibraahim Cawadi Ibraahim Cali Maxamed Albadri oo loo yaqaanoSheekh Abu Bakar Albaqdaadi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor