Dagaalamayaasha Kenyanka ee ka tirsan Alshabaab oo loogu baaqay inay ku soo laabtaan dalkooda

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery ayaa hadalkaasi shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalladda Nairobi,wuxuuna xusay inay Boqolaal Dagaalyahanno  ka tirsanaa Alshabaab dib u soo laabteen, iyagoo ka faa’ideystay cafiskii ay Dowladda Kenya ku dhawaaqday bishii April ee sannadkan.

Joseph Nkaissery ma uusan sheegin tirade rasmiga ee soo laabatay, inkastoo ay Hay’addaha Ammaanka sheegeen inay ugu yaraan 700 Dagaalyahan soo laabteen.

Waxa uu ugu baaqay Dhallinyarada Kenya ee weli ka barbar dagaalama Xarakadda Alshabaab inay joojiyaan colaadda oo ay nabadda qaataan, kuna soo laabtaan dalkooda hooyo, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Warar madax bannaan ayaa sheegayo inay boqolaal Dagaalamayaal Kenya ka mid yihiin Xarakadda Alshabaab, gaar ahaan  Guutadda Tababaran ee Jeysh Ayman oo ku xooggan gudaha Kenya, gaar ahaan Gobalka W/bari,Kaymaha Boni ilaa Gobalka Xeebta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor