Dagaalamayaasha Jeysh Ayman ee Alshabaab oo fariisimo ka samaystay Deegaanka Boni Forest ee Kenya

Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaallada Nairobi ayaa qoray inay ku-dhawaad 300 Dagaalamayaal ka tirsan  Alshabaab oo ay wehliyaan xaasaskooda iyo carruurtoodaay dhowr Saldhig ka samaysteen dhulka Kaymaha badan ee Boni Forest ee duleedka Lamu.

Wargeyska ayaa qoray in ay Kaymahaasi ku fadhiyaan dhul cabirkiisu dhan yahay 160-Km, isla markaana ay Qarniyo badan halkaasi degganayeen dadka ugaarsada Sagaaradda iyo duur-joogta kale.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Kaymahaasi ku yaallaan Xerooyin lagu tababaro Dagaalamayaasha Alshabaab iyo kuwa cusub ee ku soo biirayo.

Dhinaca kale, Eedeysane lala xiriirinayo Alshabaab oo magaciisa lagu sheegay Khaalid Mohamed Ali ayaa dhawaan la soo taagay Maxkamadda, kaasi oo ay Boliska ltuhunsan yihiin inuu  sahayda u gudbiyo Dagaalamayaasha Alshabaab ee ku sugan Kaymaha Boni, kana qeyb galay  weeraro iyo dilal ka dhacay Degmadda Laamu.

Taliyaha Isku-xirka Boliska Lamu, Chrispus Mutali ayaa sheegay inay ciiddanka ammaanka ku adag tahay inay galaan Kaymaha Boni Forest, maadaama ay jirto dhibaatooyin isgaarsiinta iyo waddooyinka oo aad u xun.

 

  

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor