Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Alqaacidada Gacanka Carabta oo mideynayo Hawlgalladda laga fulinayo Geeska Afrika

Iyadoo uu yara shiiqayo Awooddii Ururka Alqaacida ee uu asaasay Hoggaamiyihii hore ee Ururkaasi, Usaama Bin Laadin ayaa waxaa haatan bilowday Is-urursi iyo Isbahaysi-gobaleedyo Alqaacida ah.

Xarakadda Alshabaab ee Somalia oo horey u iclaamisay inay ku biireen Ururka Alqaacida ayaa waxay haatan dadaal ugu jiraan sidii loo mideyn lahaa Hawlgalladda ay ka wadaan gudaha dalka Somalia iyo dalalka deriska.

Hay’addaha Sirdoonka ee Reer Galbeedka ayaa mar hore ifiyey inay Alqaacidada Yemen (AQAP) iyo Alshabaab leeyihiin iskaasi, iyadoo Dagaalamayaal Alshabaab ka qeyb galeen Hawlgalladda ay AQAB ka fuliyeen gudaha dalka Yemen.

Mid ka mid ah Dagaalamayaasha Alshabaab ayaan dhowr sanno ka hor fal is-qarxin ah ka fuliyey caasimadda dalka Yeman ee Sanca, laguna dilay Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Komaandooska dalkaasi.

Xilligan oo ay boqolaal dagaalyahanno ka tirsan Alqaacidada Yemen soo gaareen Goballadda Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa la hadal-hayaa inay labada dhinac u midoobi doonaan Hawlgalladda ay kaga soo horjeedaan Ciiddanka Dowladda, kuwa Maamulka Puntland iyo Hawlgalka AMISOM.

Dowladda Ethiopia ayaa la sheegay inay Saraakiil dhinaca Mukhaabaraadka u soo direen Dekeddaha Bosaaso iyo Berbera, si ay uga hortagaan Dagaalyahannadda Alqaacidada Yemen ee la sheegay inay ku soo dhex milmeen Qaxootiga Rasmiga ee ka soo cararay dagaalladda ka socda dalka Yemen.

Dowladda Maraykanka ayaa ka digtay khatarta ka dhalan karta haddii ay Alqaacidada Yemen ay Aag cusub ka dhigtaan qeybo ka mid ah Goballadda Waqooyiga iyo W/galbeed Somalia.

Dhinaca kale, Kooxda Daacish ayaa u muuqata inay isku soo fidinayaan Mandiqadda Gacanka Cadmeed, waxaana la sheegay inay haatan ka feer dagaalamaan Xuutiyiinta Yemen.

Idaacadda Albayaan ee ku hadasha magaca  Daacish ayaa sheegtay inay Dagaalyahannadooda Alkhaliifa weeraro ka geysan doonaan dalka Maraykanka.

Khubarada ayaa rumeysan inuu Loolan Awoodeed u dhexeeyo Alqaacida iyo Dacaish, waxayna Dacaish u muuqdaan inay ka sare mareen awooddii iyo hawlgalladdii Alqaacida lagu yaqiinay.