Dagaalamayaasha Alshabaab ee ku sugan gudaha Kenya oo xalay qarax ku dhaawacay Ciiddan Kenyaan

Dagaalamayaasha Alshabaab ee ku sugan gudaha dalka Kenya ayaa la sheegay inay fuliyaan Hawlgal ay ku qarxiyeen gaari ay la socdeen Askar ka tirsan Ciiddanka Kenya oo marayey Degmadda Laamu.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa xaqiijiyey inay saddex askari ku dhaawacantay qaraxaasi oo burburiyey gaarigii ay wateen.

Gaariga oo ka mid ah shan gaari oo ay Ciiddanka Kenya la socdeen ayaa la sheegay inay la kacday miino nooca dhulka lagu aaso ee Improvised Explosive Device.

Madaxa Maamulka Boliska ee Laamu, Cripuis Mutali ayaa sheegay in lala beegsaday kolonyo gaadiid ay ciiddanku lahaayeen oo marayey Deegaanka Milimani, kuwaasi ooku  soo jeeday Raas Kambooni ee Gobalka J/hoose ee Koonfurta Somalia.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciiddanka Boliska Kenya, Joseph Boinett iyo Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel David Obonyo waxay bartooda Twitterka ku xaqiijiyeen inay saddex askari ku dhaawacmeen qarax ay Dagaalamayaasha Alshabaab xalay la beegsadeen Ciiddan ku sii jeeday Jubbadda Hoose.

© Warqabadka Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor